Trump wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka jirto cunto-yaraan daran, isla markaana ay kaalinta koowaad kaga jirto waddamada ugu musuqa badan adduunka oo dhan. Waxa uu ku sifeeyay Soomaaliya meel caan ku ah dowlad la’aan, laaluush iyo tuugonimo.
Trump, oo si gaar ah ugu jawaabayay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo siyaasaddiisa kasoo horjeeda, ayaa ku eedeeyay in ay guursatay walaalkeed si ay sharciga Mareykanka ku hesho, isla markaana ay ka timid waddan aan xataa madaxweyne lahayn.
Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump weerar afka ah ku qaado Soomaaliya. Dhawaan ayuu ku tilmaamay meel dowlad la’aan ah oo aan waxba ka jirin, halka sannado ka horna uu sheegay in Soomaaliya tahay meel qasan oo aan lahayn maamul iyo kala dambayn.
Mareykanka ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada taageera Soomaaliya dhinaca dowlad-dhiska iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo hadda ciidamada Soomaaliya ka taageera dhinaca cirka iyo tababarada.
Si kastaba ha ahaatee, Trump iyo kooxdiisu shakhsi ahaan ma jecla Soomaaliya. Siyaasiyiin badan oo u dhow maamulka Trump ayaa baraha bulshada ku dhaliila dowladda Soomaaliya iyo sida ay wax u waddo guud ahaan.
Dhanka kale, Somaliland ayaa isku dayaysa inay ka faa’iidaysato arrintan, iyada oo wadda olole ay aqoonsi kaga rabto maamulka Trump, maadaama xildhibaanno iyo siyaasiyiin badan oo Jamhuuriga ka tirsan ay aaminsan yihiin in Somaliland la aqoonsado.






