Axad 2, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay inuu qaadayo tallaabo milatari haddii dalkan ku yaalla Afrika uusan samayn waxyaabaha uu u soo jeediyey.
Trump ayaa sheegay in uu ku amray Pentagon-ka in ay u diyaar garoobaan tallaabo suurtagal ah, isaga oo sheegay in ay noqon doonto ‘mid deg deg ah’ ba’an oo samayn leh’, isagoo dalkan ku tilmaamay ‘ dal ceeb leh’
Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhaqso ah u joojin doonto dhammaan caawimada iyo taageerada la siiyo Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika iyo soo saaraha ugu weyn ee saliida.
Qoraalkiisa ayuu ku sheegay Trump in tallabooyinka milatari uu qaadayo haddii dowladda Nigeria aysan wax ka qaban si ay u ilaaliso dadka Masiixiyiinta ah weerarada kaga imaanaya Islaamiyiinta xagjirka ah.
Haddii Maraykanku u diro ciidan militari ,waxay noqonaysaan in ‘Qorigu si ba’an u ololiyo si gebi ahaanba looga ciribtiro argagixisada Islaamiga ah ee fulinaysa xadgudubyadan naxdinta leh,” ayuu Trump ku qoray, isagoo aan bixin wax caddeyn ah oo ku saabsan sida Masiixiyiinta Nigeria loola dhaqmo.
Inkastoo Waaxda Difaaca ee Mareykanka iyo Aqalka Cad ay ay Reuters u dirtay si uga hadlana hanjabaadda Trump, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa soo saaray qoraal uu ku daabacay baratiisa Bulshada.
Hegseth ayaa ku qoray bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter: “Waaxda Dagaalka waxay isku diyaarinaysaa ficil. Haddii ay Dawladda Nigeria ilaalin weydo Masiixiyiinta, annagu waxaan dili doonaa Argagixisada Islaamka ee geystay xadgudubyadan argagaxa leh.”
Jimcihii, Mr. Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu Nigeria ku darayo liiska dalalka Mareykanka ee lagu eedeeyay xadgudubka xorriyadda diinta.
Nigeria ayaa horey u diiday sheegashada ah in dadka Masiixiyiinta ah lagu laayo sabab la’aan gobolka waqooyi ee ay ku badan yihiin Muslimiinta.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa markii ugu horeysay sii huriyay shakiga, iyadoo Chris Smith oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka uu bishii March ku baaqay in Nigeria lagu daro liiska dalalka walaaca laga qabo.
Sidoo kale bishii Oktoobar, Senator Ted Cruz iyo Riley Moore, oo labaduba ka tirsan Jamhuuriga, ayaa ku eedeeyay dowladda Nigeria inay gacan ka geysatay dilalka dadka Masiixiyiinta ah.






