Isniin 9 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo su’aal laga waydiiyay doorashada ka dhacday Dalka Iiraan ee lagu doortay hoggaamiyaha baddelay Aayatullaah Cali Khamanii oo gacanta isbahaysigooda ku baxay 28kii Febaraayo 2026 ayaa ka naxay hoggaamiyaha cusub ee la doortay.
Donald Trump ayaa si cad u sheegay in uusan ku qancin ama ku farxin magacaabista Wiilka Khamenei oo lagu magacaabo Mojtaba kaas oo ah nin inta badan xogtiisa qarsan oo sanadihii lasoo dhaafay si dhow ula socday siyaasadda ka dhanka ah Dalkiisa.
Trump ayaa si dadban u sheegay in uu xirmay albaabada wadahadalka Iiraan maadaama hoggaamiyaha cusub ee la magacaabay uu dareensan yahay xaalad weliba oo dalkiisa wajahayo iyo xusuusta in uu ku hayo dilka aabihiis.
Waxa uu xusay in uusan ku faraxsanayn sida ay u dhacday Doorashada ka dhacday Dalka Iiraan oo ugu dambayn lagu caano shubay Mojtaba Cali Khamenii oo 54 jir ah isla markaana si dhow uga soo dhex shaqeeyay ciidanka Ilaalada Kacaanka.



