Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Trump, ayaa Talaadada la kulmi doona hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Qaramada Midoobay kaa oo ka dhici doono magaalada New York,
Trump ayaa waxaa uu kala hadlayaa sidii loo joojin lahaa dagaalka Qasa iyo sidii loo dejin lahaa qorshe kadib dagaalka, xilli uu jiro dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo caalami ah oo lagu diidanyahay dagaalka Qasa, sida ay werisay Axios.






