Madaxweyne Xasan on safar ugu ambabaxaya dalka Itoobiya oo xiisad kala dhexeyso?

0
34

Sabti 6-Sep 2025 {HMC}Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa bilowga todobaadka soo socda u safraya magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.Somali fashion

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka Shirka Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) oo ay qabaneyso Midowga Afrika (AUC), ayna kasoo qeyb galayaan madaxda dalalka Africa iyo marti sharaf kale.

Wafdi horudhac u ah madaxweyne oo isugu jira Ilaaladiisa gaarka ah, xubno kamid ah hab-maamuuskiisa iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kusoo wajahan Addis-ababa.

Inta uu caasimadda Itoobiya joogo madaxweynaha, waxa uu la kulmi doonaa madaxda dalalka Afrika oo ay ugu horeeyaan kuwa martida loo yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here