spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweyne Xasan oo Qaabilay Xildhibaanada Soomaaliya ku Meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga...

Madaxweyne Xasan oo Qaabilay Xildhibaanada Soomaaliya ku Meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

0
18

Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xildhibaabada cusub ay dusha u riteen masuuliyad qaran oo culus oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan Iskaashiga dhaqaale iyo wax wadaqabsi ee dalalka Bariga Afrika.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada in ay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo wadaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo marwalba ka shaqeynaya in codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqdo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here