Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

0
11

Jimco 3 April 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan iyo maamulka KMG ah ee Koofur Galbeed.

Dad weyne isaga kala yimid Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta.

Magaalada Baydhabo waxaa saacadaha soo socda ka billaabanaya kulamada looga hadlayo Mustaqbalka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed kaddib markii isbaddel lagu sameeyay maamulkii hore ee Magaaladaas ku sugnaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo deegaan doorashadiisu tahay Koofur Galbeed ayaa horay u waday kulamo uu xogta kasoo baxday la wadaagi doonno madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here