Sabti 14 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb-galay Shir-madaxeedka Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, kaas oo ay martigelisay dowladda Itoobiya.
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen madax iyo wufuud ka kala socotay dalalka Afrika iyo dowladda Talyaaniga, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaam Cali, waxaana wafdiga Soomaaliya ay muujiyeen dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika uu muhiim u yahay koboca dhaqaale iyo xasilloonida gobolka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso, Abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada ah, Sugnaanta cuntada, Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo Isku xirka suuqyada heer gobol iyo heer caalami
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Afrika uu ku xirnaan doono ilaalinta gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii’da Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Dhanka amniga, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Talyaaniga taageerada uu siiyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isaga oo xusay in nabadda iyo horumarku ay yihiin laba arrimood oo aan la kala sooci karin.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga iyo dalalka kale ee Afrika, si loo gaaro koboc dhaqaale iyo xasillooni waarta.






