Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku saabsan curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ugu baaqay in laga faa’iidaysto fursadaha ku dhex jira Bishaan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe & Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa si isku mid ugu baaqay in la caawiyo Dadka aan wax haysan.
Mas’uuliyiintaan ugu sarraysa Dowladda Federaalka ayaa Dadka wax haysta xusuusiyay in ay caawiyaan kuwa u baahan garab istaagga weliba iyada oo dalka ay ka jirto xaalad abaar oo dad badan ay la hardamayaan duruufaha horyaalla.
Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in la kordhiyo la shaqaynta Hay’adaha Ammaanka oo mas’uuliyad wayn ka saaran sidii nabadgalyo dadku ugu soomi lahaayeen maalmaha Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee maanta billowga ah.






