Axad , 08 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga digay in Soomaaliya ay iska difaaci doonto isku day kasta oo lagu doonayo in Israa’iil saldhig militari ka sameysato dhulka Somaliland, isaga oo shaki geliyay ujeeddooyinka Israa’iil ee ku aaddan joogitaan militari oo ay ka yeelato gobolka.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Al Jazeera, kana hadlayay intii uu ku sugnaa madasha Al Jazeera Forum ee ka dhacday magaalada Doha maalintii Sabtida, ayaa sheegay in saldhig militari uusan wax faa’iido ah oo difaac u ah Israa’iil ku lahayn Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid muujin karta niyad colaad iyo dano ka baxsan amniga.
“Saldhig ma aha goob dalxiis, waa mid militari, militari-na micnihiisu waa weerar ama difaac,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Ma jirto meel Israa’iil ay kaga difaacato daneyaalkeeda gudaha Soomaaliya.”
Madaxweynaha ayaa xusay in ilaa hadda aysan Soomaaliya arag wax ciidan amni ama militari oo Israa’iil ah oo ku sugan dalka, isla markaana aysan filaynin in mustaqbalka dhow ay yimaadaan, Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in haddii tallaabo noocaas ah la qaado, Soomaaliya ay si buuxda uga hortagi doonto.
Markii wax laga weydiiyay waxa ay Soomaaliya sameyn doonto haddii saldhig militari oo Israa’iil leedahay laga hirgeliyo Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu yiri: “Waxaan u dagaallami doonnaa awooddeena, Dabcan, waan iska difaaci doonnaa.”
Gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii dambe noqday mid ay indhaha ku hayaan quwadaha caalamka, sababo la xiriira muhiimadda uu u leeyahay marin-biyoodka Badda Cas iyo marinnada waaweyn ee ganacsiga caalamiga ah.






