Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb-gali doono Meertada 39-aad ee Shir-madaxeedka Madaxda iyo Dawladaha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaaray amniga iyo la-dagaallanka AS.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu fagaarahaas ka caddeeyo mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan faragelinta madax-bannaanida dalka, gaar ahaan aqoonsiga sharci-darrada ah ee la sheegay inay Israa’iil siisay maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, kaasi oo xad-gudub ku ah midnimada dalka.
Shirkan oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha 55-ta dal ee Afrika, ayaa sannadkan diiradda lagu saarayaa caqabadaha waaweyn ee qaaradda ka jira.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda ka socda qaaradda Afrika ee ka qeyb galeysa shirka.
Muddada uu shirku socdo, madaxda Afrika waxay si weyn u lafo-guri doonaan isbeddelka dhijitaalka ah iyo ganacsiga xorta ah ee qaaradda.
Kulankan ayaa imaanaya xilli qaaradda Afrika ay wajaheyso isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni, waxaana la filayaa inay madaxdu soo saaraan go’aanno midaynaya codka Afrika ee fagaarayaasha caalamiga ah.






