Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey Dhuusamareeb,

0
41

Talaado, 18 Aug 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhow gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Boqolaal shacab ah ayaa garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo loo galbiyay Madaxtooyadda Galmudug.

Waxaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda sare ee Maamulka Galmudug, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidanka.

Kulamada ayaa lagu wadaa in looga hadlo dagaalka AS iyo sidii la isugu duba ridi lahaa howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale, waxaa qorshaha yahay in Madaxweyne Xasan Shiikh xarriga ka jaro Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo mashaariic kale oo laga hirgalayay gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here