Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulamo ka wada magaaada Baydhabo.

0
10

Talaado 7 April 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ka wada kulamo xiriir ah oo looga hadlayo dib u heshiisiinta iyo amniga deegaannada dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa warbixinno dhameystiran ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha sare ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, isagoo faray in si degdeg ah loo dardargeliyo amniga guud iyo xasilloonida deegaanka.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada Koofur Galbeed, gaar ahaan xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa lala wadaagay caqabadaha ka jira deegaanka oo ay ugu horreyso Amni darrada iyo helida nidaam heshiis lagu wada yahay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulan gaar ah ugu yeeray Duqa magaalada Baydhabo, Cabdullaahi Cali Watiin, kaas oo ka warbixiyey xaaladda guud ee magaalada, dadaallada lagu sugayo nabadgelyada iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Baydhabo in ay dib u billaabaan howlahooda, iyaadoo la dardar galinayo mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada gurmadka.

Kulamadan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali.

May be an image of the Oval Office and dais

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maalintii shanaad ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, isagoo wada dadaallo deegaannada Koofur Galbeed looga qabanayo Doorasho qof iyo cod ah oo lagu wada qanacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here