Axad 8 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta saxiixay dastuurka cusub ee dalka, kaddib markii 4-tii Maarso ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugnaayeen guddoonka labada aqal, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in tallaabadan ay dhammaystirayso marxalad muhiim ah oo uu baarlamaanku ku soo gabagabeeyay dib-u-eegista dastuurka.
“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhammaystiray dib-u-eegistii dastuurka, waxaana maanta wixii ka dambeeya noo taagan dhaqangelintiisa iyo sidii ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen xuquuqda iyo waajibaadka ku qoran,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u noqon kara dowladnimo hufan iyo xasillooni siyaasadeed.
“Dukumeentigan waa heshiis bulsho, waxaana rajeynayaa inuu Soomaaliya u horseedo nabad, deganaansho iyo xukun hufan oo toosan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Saxiixa madaxweynaha ayaa ka dhigan tallaabada ugu dambeysa ee dhaqan-gelinta dastuurka, inkastoo weli la filayo habraacyo dheeraad ah oo lagu hirgelinayo qodobbadiisa.
Inkastoo madaxweynuhu saxiixay dastuurka cusub, haddana qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, iyagoo u arka tallaabo uu xukunka ku sii dheeraysanayo madaxweyne Xasan Sheikh.



