Madaxweyne Zelensky kala kulmi jiray Saraakiisha Aqalka Cad markii uu dhaho NATO ayaan ku Biireynaa.?

0
11

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelenskyy ayaa markii u horreysay sheegay inay saraakiisha reer galbeedka gaar ahaan kuwa Aqalka Cad ee Mareykanka ku qosli jireen mar kasta oo uu kala hadlo Ukraine inay dooneyso ku biirista isbahaysiga NATo, isagoo intaa ku daray ; “ Biden wuxuu igu yiri Ukraine kuma biiri doonto NATO.”

Hadalkan wuxuu u muuqda inuu Zelenskyy u sheegayo inaysan jirin wax rabitaan ah oo reer galbeedka ay ku doonayaan inay Ukraine ku biirto isbahaysiga NATO, xilli toddobaadkii hore uu xaqiijiyay inuu ka tanaasulayo ku biirista Ukraine ee NATO, haddii Ruushka uu joojinayo dagaalka.

Zelenskyy, waa hoggaamiyaha ugu doonista badnaa inay Ukraine ku biirto NATO, illaa xataa filimkiisa Servant of the People ee 2016 uu Zelenskyy , ku soo bandhigay doonista Ukraine inay NATO , marka waxaa jira wicitaan xarunta NATO ka soo dhacaya oo loogu sheegayo in la ansixiyay ku birista NATO, laakin waxaa loo sheegaya in si qaldan loo soo wacaya oo dalka la ansixiyay uu yahay Montenegro. Waa xaalad xataa Ukraine ay filim dhexdii ku wayday NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here