spot_imgspot_imgspot_img
Home ARIMAHA BULSHADA Madaxweynehii hore ee Suuriya oo aad u ciyaaro video game-ka ee internet-ka.

Madaxweynehii hore ee Suuriya oo aad u ciyaaro video game-ka ee internet-ka.

0
46

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Wargeyska Jarmalka ah ee DIE ZEIT, ayaa soo bandhigay warbixin uu ku sharraxay nolosha uu Moscow kaga noolyahay madaxweynihii xilka laga tuuray Suuriya ee Bashaar Al-assad, iyadoo warbixinta lagu sheegay inuu Bashaar degganyahay mid ka mid ah dhismayaasha raaxada ee ugu qaalisan Moscow , halkaas oo ay si adag u ilaalinayaan hay’adaha amniga ee Ruushka.

Gurigiisa wuxuu leeyahay musqulo marmar ah, waardiyayaal joogto ah iyo adeegyo heer sare ah, waxaana lagu warramayaa inuu si xad dhaaf ah ugu xiran yahay ciyaaraha video game-ka ee internet-ka, mana ka baxo inta badan gurigiisa, taa oo keentay inuu ciyaaraha internetka waqtigiisa u badan ku qaato si uusan nolosha xiran ugu cidloon.

Markii xukunka laga tuuray 8 bishii December 2024 Bashaar , isaga iyo qoyskiisa waxay u baxsadeen Ruushka , halkaa oo Putin uu magangalyo siyaasadeed ku siiyay, tan iyo markaana laguma arag meel fagaare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here