Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay wax ka beddelka dastuurka.

0
60

Arbaco 13 March, 2024 {HMC} MUQDISHO — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad muuqaal ah oo la sii duubay oo warbaahinta lala wadaagay maanta kaga hadlay dastuurka Soomaaliya, oo wax ka beddelkiisa iyo dhameystirkiisa uu hadda horyaallo baarlamanka Soomaaliya.

“Dalka weli wuxuu ku jiraa Chapter 7, haddii aan annaga is qaban weyno, waxaa qasab ah in beesha caalamka garba-duub noo qabato waa haddii dan nagala leeyahay, haddii aan dan nagala laheyn oo nala sii daayo, dee qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisa ayuu iska raacanayaa, Qaranimadana uu halkaas ayay nooga burbureysaa” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya, oo uu ku jiro madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa sidan oo kale horey uga soo horjeestay hannaanka socda ee wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here