Axed 8 March 2026 {HMC} Caasimadda Muqdisho ayaa wajahaysa cadaadis dhaqaale oo cusub kadib markii qiimaha shidaalka si lama filaan ah ugu kacay ku dhowaad 77% hal habeen gudaheed.
Ilaa maalmo ka hor, hal litir oo baasiin ah ayaa lagu iibinayay qiyaastii $0.65, balse habeenkii Jimcaha qiimaha ayaa si degdeg ah ugu booday $1.15, taasoo si toos ah u saameysay darawallada, ganacsatada iyo guud ahaan dadka magaalada.
Khabiirrada suuqyada ayaa sheegaya in kororkan degdegga ah uu xiriir la leeyahay xiisadaha militari ee sii xoogeysanaya ee Bariga Dhexe, gaar ahaan is-mari-waaga u dhexeeya Iran, Mareykanka iyo Israel, Colaaddan oo socotay maalmo badan ayaa saameyn ku yeelatay suuqyada shidaalka caalamka.
Sabab kale oo culayska sii kordhisay ayaa ah in maraakiibta shidaalka qaada ay wajahaan khataro amni iyo caymis sareeya marka ay marayaan marin-biyoodka muhiimka ah sida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Dhanka kale, warar ku saabsan suurtagalnimada in ay carqalad ku timaado warshadaha sifaynta shidaalka iyo goobaha dhoofinta ee gobolka ayaa kordhiyay walaaca suuqyada, taasoo sababtay in qiimaha saliidda adduunka uu si degdeg ah u kaco.
Saameynta ugu weyn waxaa durba dareemay dadka ku nool Muqdisho, gaar ahaan gaadiidka dadweynaha sida caasiyada iyo Bajaaj-yada, kuwaas oo ka cabsi qaba in ay qasab ku noqoto inay kordhiyaan qiimaha dadka laga qaado.
Darawal ka shaqeeya magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri: “Waxaan seexday anigoo bixinaya 65 senti, subaxdii markaan kacayna qiimuhu wuu dhaafay hal doolar, Aad bay noogu adag tahay inaan qoysaskeena masruufno haddii shidaalku sidan u qaali noqdo.”
Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa ka digaya in haddii xiisadda Bariga Dhexe sii socoto, saameyntu aysan ku ekaan doonin shidaalka oo kaliya, Waxaa laga cabsi qabaa in ay sare u kacaan qiimaha korontada iyo cuntada la soo dejiyo, kuwaas oo laf-dhabar u ah nolosha dadka ku nool Soomaaliya.



