Malaayiin dollar oo lagu taageeray Howlgalka Soomaaliya.

0
22

Axad 13,July ,2025 {HMC} Kulankii caadiga ahaa ee 47-aad ee Guddiga Maamulka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, ayaa lagu ansixiyey in hawlgalka Midowga Afrika ee xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM lagu taageero $10 milyan oo doollar oo dheeraad ah, si loo buuxiyo firaaqa dhaqaale ee soo wajahay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Guddiga Maamulka ee AU ayaa go’aamiyey in $10 milyan oo dheeraad ah lagu daro dhaqaalihii hore, taasoo wadarta guud ee uu Midowga Afrika u qoondeeyey howlgalka AUSSOM ka dhigaysa $20 milyan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha kale ay yareeyeen ama dib u dhigeen taageeradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here