Arbaco 5, Nov 2025 {HMC} Zohran Mamdani oo 34 jir ah ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay duqa magaalada New York waana duqii ugu da’da yaraa ee soo mara magaalada.
Trump ayaa ku hanjabay inuu jari doono dhaqaalaha federaalka ee magaalada York haddii Mamdani uu ku guuleysto doorashada, isagoo taageeray Andrew Cuomo oo si madax banaan u tartamayo.
Mamdani waxa uu sidoo kale noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo magaalada ka noqda duq magaalo iyo sidoo kale qofkii ugu horeeyay ee xilkaas qabto oo ka soo jeeda Koonfurta Aasiya kuna dhashay qaaradda Afrika.






