Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Manchester United ayaa qaab aan wanaagsaneyn uga hartay koobka EFL Cupka ka dib markii kooxda ka cayaarta League 2, Grimsby ay ku garaacday rigooreyaal.
United ayaa looga hor maray laba gool ka dib markii qeybtii hore ee cayaarta ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita, iyadoo gool hayaha kooxda, Andre Onana uu soo laabtay isla markaana dusha laga saaray goolki labaad eel aga dhaliyay.
Charles Vernam iyo Tyrell Warren ayaa dhaliyay labada gool ee Grimsby ka hor inta uusan United goolka u dhalin Bryan Mbeumo oo badal ku soo galay, Harry Maguire ayaana daqiiqadii ugu dambeeyay dhaliyay goolka barbar dhaca keenay.
Matheus Cunha ayaanan weli wax gool ah halka goolkii rigooraha ee Mbeumo ay ku dhacday birta, taas oo guusha u horseeday kooxda Grimsby.






