Jimco 16 Jun 2026 {HMC} Ciidamada Ammaanka ee Kenya iyo AS ayaa ku dagaalamay Ismaamulka Mandheera kaddib markii xubno katirsan ‘AS’ ay weerar toos ah ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo roondo kawaday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin goobta uu weerarka ka dhacay.
Ciidan dheeraad ah oo katirsan Booliiska hubaysan ee Kenya ayaa dagaalka ku biiray, waxaana la xiray isu socodka waddada uu weerarkaas ka dhacay muddo kooban inkasta oo saakay dib loo fasaxay Gaadiidka iyo Isu socodka Dadka.
Kenya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda kaddib markii ay heshay xogo muujinaya dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan xubno katirsan ‘AS’ kuwaas oo beegsanaya Saldhigyada, Askarta Roondada ah iyo kuwa Gaadiidka Safarka.
Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Kenya oo lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday ciidankooda iyo xeradooda, waxaana Xukuumadda Nairobi laga sugayaa in ay xog kasoo saarto waxyeellada ka dhalatay iyo halka uu ku dambeeyay howlgalka.



