Maraakiib kuwa Shidaalka qaado oo uu lee yahay Ruushka ayaa la qarxiyay.

0
21

Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Labo markab oo Ruushka uu leeyahay oo shidaal qaada ayaa lagu qarxiyay meel aan ka fogeyn xeebaha Turkiga ee badda madow, mid ka mid ah maraakiibta ayaa ku dhow inuu quuso,

Kabtanka markabka ayaa soo diray baaq deg deg ah uu ku sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn markabka lagu qarxiyay , waxaana la badbaadiyay shaqaalaha labada markab.

Mareykanka iyo reer Yurub ayaa cunaqabateyn horey u saaray labadan markab Kairos iyo Virat , iyo dhammaan maraakiibta shadow fleet ee shidaalka Ruushka qaada.

Weerarkan ayaa u muuqda inuu albaab u furi doono dagaalka qaboob ee Ruushka iyo reer galbeedka , balse ma jirto warbixin baaritaan oo Ruushka uu soo saaray weli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here