Sabti 11 April 2026 {HMC} Weli ma cadda waxa ka soo bixi doona wada-hadalladan, maadaama waxa ay labada dhinac si fagaare ah u sheegayaan ay aad u kala fog yihiin oo aan muuqan meel ay isku soo gaadhi karaan.
Qayb ka mid ah sababta tani keentay waa in wadahadallada ay hoggaamiyeyaasha iyo wada-xaajoodayaashu si fagaare ah u sheegaan inta badan loogu talagalay dhageystayaasha gudaha ee dalalkooda.
Iiraan iyo Mareykanka labaduba waxay isku dayayaan inay qaabeeyaan sheekada dagaalkan, isla markaana ay muujiyaan dhinaca u muuqda inuu doonayay ama “ku qasbanaaday” inuu miiska wada-hadallada yimaado.
Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa jira rajo ah in horumar la sameeyo, ugu yaraan si loo ilaaliyo xabbad-joojinta jilicsan.
Laakiin waxaa muhiim ah in la xasuusto in Mareykanka iyo Iiraan ay horey u bilaabeen wada-hadallo bishii Febraayo, ka hor inta Washington aysan ka bixin wadahadallada, taas oo gacan ka geysatay in uu qarxo dagaalkan iyadoo ay la jirto Israa’iil.



