Maraykanka oo shaaciyey Askarta ku waxyeelloowday Dagaalka Iiraan.

0
8

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Warbaahinta CBS news oo soo xiganeysa Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa baahisay in ku dhawaad 300 askari oo Maraykan ah ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu bilowday dagaalka bariga dhexe ee Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeyn Iiraan, 28 bishii Febraayo.

Sida ay sheegtay CBS, 290 xubnood oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa dhaawacmay tan iyo maalintii ugu horreysay ee dagaalka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in 255 ka mid ah askarta dhaawacantay ay dib ugu laabteen shaqadoodii, halka 10 ay weli ku jiraan xaalad halis ah, xaaladda 25-ka kale lama shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here