“Maraykanku ma sii wadi karo taageerada Israiil” Senator Sanders.

0
32

Arbaco 30 July 2025{HMC} Senator-ka ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka Bernie Sanders ayaa sheegay in aanay Maraykanku sii wadi karin maalgelinta dowlad dishay ku dhowaad 60 kun oo Falastiiniyiin ah, ayna dhaawacday in ka badan 143 kun oo kale, kuwaasoo intooda badan ay yihiin haween, caruur iyo dad waayeel ah.

Sanders wuxuu intaas ku daray in aanay suurtagal ahayn in la taageero dowlad joojisay gargaarka oo sababtay macaluul guud, dadka Gazana si dhab ah u gaajaysiisay, isagoo ula jeeda dowladda Israa’iil.

Senator-ka Maraykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in canshuur bixiyeyaasha Maraykanku ay ku bixiyeen tobanaan bilyan oo doolar taageeridda dowladda ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo uu ku tilmaamay mid cunsuriyad iyo xagjirnimo ku dhisan.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku qasbi doono Aqalka Senate-ka inuu u codeeyo laba qaraar oo lagu joojinayo iibka hubka ee Israa’iil, sababtuna tahay macaluusha ka jirta Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here