Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Ergooyinka Mareykanka iyo Ukraine ayaa sheegay in wadahadallo wax ku ool ah ay ka dhaceen Miami, balse weli ma muuqato wax horumar ah oo laga gaaray dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine ay kula jirto Ruushka.
Ergeyga gaarka ah ee Donald Trump, Steve Witkoff iyo madaxa Ukrain u hogaaminaya wada xaajoodka Rustem Umerov ayaa soo saaray qoraal wadajir ah, ka dib kulamo saddex maalmood ah oo uu la yeeshayn ergada midowga Yurub
Labada dhinac ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa 20-ka qodob ee Qorshaha Nabadda Ukrain, Nidaamka dammaanad qaadka amniga labada dhinac, ballan qaadka Mareykanka ee ilaalinta Ukraine iyo qorshe dhaqaale iyo iskaashi.
Waxaa sidoo Wada-hadallo gooni gooni ah Miami uga socday Mareykanka iyo ergayga Ruushka, Kirill Dmitriev.
“Muhiimada aan wadaagno waa inaan joojino dilalka, sugidda ammaanka, iyo inaan abuurno jawi dib loogu dhisayo Ukraine, xasilloonida, iyo barwaaqada mustaqbalka fog,” Witkoff iyo Umerov ayey ku yiraahdeyn qoraalkooda.
Witkoff ayaa sheegay in wakiilo ka socda Ruushka ay kula kulmeen isaga iyo saraakiil kale oo Mareykan ah koonfurta Florida, oo uu ku jiro wiilka uu Trump soddogga u yahay ee Jared Kushner.
Witkoff waxa uu sheegay in kulamadii uu la yeeshay ergayga Ruushka Dmitriev ay sidoo kale ahaayeen “mid wax soo saar leh oo wax dhisaya.
Trump ayaa Ruushka iyo Ukrain ku cadaadinaya in ay aqbalaan heshiiska si loo dhameeyo dagaalka, balse labada dal ayaa isku afgaran la’san arrimo waaweyn oo ku jirto dalabka ay Moosko ku dooneyso inay kusii haysato dhulkii ay hore uga qabsatay Ukraine.






