Axad, 26,October 2025 {HMC} Mareykanka ayay qasab ku noqotay inuu dalka Mali ee galbeedka Afrika ka saaro oo muwaadiniintooda marka ay fiisaha dalxiiska iyo ganacsiga Mareykanka dalbanayaan looga baahnaa inay lacag 15 kun oo dollar ah bixiyaan, si loo xaqiijiyo inaysan Mareykanka iska dhiibeyn oo dib loogu celinayo marka ay safarkooda soo dhammeystaan.
Isla marka uu sharcigan soo saaray Mareykanka , waxay Mali ku dhaqaaqday tallaabo la mid ah iyadoo shuruud uga dhigtay muwaadiniinta Mareykanka haddii ay u safrayaan Mali inay bixiyaan 15 kun oo dollar , Mareykanka ayaase noqday midka ciyaartan ka baxay oo ka joojiyay muwaadiniinta Mali shuruuda lagu soo rogay.
Balse kuwa aan wax falcelinta ah sameyn oo ay ku jiraan ; Tanzania, Gambia, Malawi, iyo Zambia ayaa wali muwaadintooda waxay u baahanyihiin 15 kun oo dollar inay bixiyaan!






