Mareykanka iyo Israa’iil oo qorsheynayaan in ay kacdoon hubeysan Ka Abuuraan gudaha Iiraan.

0
6

Khamiis 5 March 2026 {HMC} Telefishinka Ingiriiska ka soo baxa ee ITV, ayaa ku warramay Mareykanka iyo Israa’iil inay qorsheynayaan inay kiciyaan kacdoon hubeysan gudaha Iiraan, iyagoo adeegsanaya ciidan Kurdiyiin ah oo hubeysan.

Ciidankan Kurdiyiinta ah, oo tiradoodu gaareyso kumannaan dagaalyahan, ayaa la sheegay in hub si qarsoodi ah loogu geliyay galbeedka Iiraan tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood ee dhacay 2025.

Waxaa la filayaa in ciidankan, oo la sheegay inay dhiseen Mareykanka iyo Israa’iil, ay weerarro dhulka ah bilaabaan maalmo gudahood.
Ciidankan Kurdiyiinta ah ayaa sidoo kale codsaday taageero cirka ah oo ay ka helaan Mareykanka iyo Israa’iil si ay u fuliyaan weerarradooda.

Ilaa hadda lama oga in codsigaas la oggolaaday iyo in kale.

Dhanka kale, ciidamada Iiraan ayaa xoojiyay tallaabooyinka amniga ee ka socda meelaha ay Kurdiyiintu ku badan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here