Talaado 10 March 2026 {HMC} Mareykanka iyo Israa’iil ayaa hadda u muuqda inay raadinayaan waddo ay uga baxaan dagaalka Iiraan, ka dib markii saraakiisha Israa’iil uu hadda mowqifkooda wax iska beddel, iyagoo hadda arkaya inaysan jirin suragalnimo is beddel nidaam looga sameyn karo Iiraan , ay werisey Washington Post.
Dagaalka socda ayaa hadda si toos ah u taabtay dhaqaalaha caalamiga ah, taasoo sare u qaaday cadaadiska uu la kulmayo Trump , xilli koror uu ku yimid qiimaha shidaalka , halka dollarkana uu hoos u dhacayo, xaaladan waxay dhalisay inay soo koobaan Israa’iil iyo Mareykanka guusha dagaalkan iyo ujeeddooyinkiisa, waxayna hadda Washington Post sheegtay in saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ay u arkaan mar horaba in la gaaray wax loo sawiri karo guul dagaal, lana joogo xilligii laga bixi lahaa dagaalkan, maaddama uu xadka xakameynta ka baxayo.
Hadalladan waxaa xigay wadahadallo saacad socday oo ay caawa yeesheen Trump iyo Putin, markaa oo la sheegay in Putin uu kula taliyay Trump inuu raadiyo wada-hadal lagu joojiyo dagaalka, si uu uga baxsado saameynta dagaalkan.



