Talaado 25, Nov 2025 {HMC} Sirdoonka Mareykanka ayaa baaritaan ku billaabay saldhigga Zayed Military City ee ku yaalla Abu Dhabi ee caasimadda Imaaraadka Carabta , kaddib markii halkaa loo diiday inay galaan saraakiil ka tirsan ciidanka Mareykanka , taa oo dhalisay shaki la xiriira inuu Imaaraadku saldhigan ku qarinayo saraakiil ka socda ciidanka Shiinaha, sida ay sheegeen labo sarkaal oo Marekanka oo la hadlay wargeyska Middle East Eye.
Mareykanka wuxuu u muuqdaa inuu raadinayo habab lagu cadaadiyo Imaaraadka , sabab la xiriirta hubka dhaqaalaha badan ay Abu Dhabi ku bixinayso oo ay ka soo iibsato Shiinaha oo qaarkood loo gacan geliyo kooxda RSF ee Suudaan.



