Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Kristi Noem ayaa maanta ku dhawaaqday in la joojiyay barnaamijkii Temporary Protected Status (TPS) ee Itoobiya, barnaamijkaas oo markii hore loo bixiyay si loogu ilaaliyo muwaadiniinta Itoobiya xaaladihii colaadeed iyo amni-darro ee dalkooda ka jiray.
USCIS ayaa sheegay in TPS uu yahay mid ku meel gaar ah, isla markaana Itoobiya aanay hadda buuxin shuruudihii khatarta amni ee horay loogu aqoonsaday.
Sidaas darteed, go’aanka lagu joojinayo TPS-ga Itoobiya ayaa lagu macneeyay “in dib loogu soo celinayo habsami u socodka nidaamka socdaalka Mareykanka.”
Muwaadiniinta Itoobiya ee aan haysan sharci kale oo ay ku joogaan dalka Maraykanka waxaa la siiyay 60 maalmood si ay si iskood ah uga baxaan Mareykanka.
Ka dib 13 Febraayo 2026, Maraykanka waxa uu xaq u leedahay inay qabato oo dalkooda ku celiyo qof kasta oo Itoobiyaan ah oo aan sharci lahayn.
Donald J. Trump, ayaa sidaan oo kale ka joojiyay dadka Soomaaliyeed asbuuc ka hor waxaana muuqata in hada la beegsanaya dhamaan dadka madowga ah ee Maraykanka ku nool.






