Mareykanka oo in kabada 4 toddobaad ka wadaa duulimaadyo sirdoon dalka Nigeria.

0
17

Talaado 23, Dec 2025 {HMC} Mareykanka ayaa muddo ka badan 4 toddobaad wuxuu dalka Nigeria ka wadaa duulimaadyo sirdoon oo la sheegay inay xog ka aruurinayaan qeybo badan oo ka tirsan dalkaa,

sida ay werisey Reuters oo tixraacaysa xogta duulimaadyada hawada Nigeria iyo xaqiijinta saraakiil Mareykanka ah oo sheegay in Mareykanka howlgal hawada ah oo xog lagu aruurinayo uu ka wado Nigeria , xilli Trump uu bishii November ku hanjabay faragelin milatari oo ka dhan ah Nigeria, isagoo ku eedeeyay inay ku guuldarraysatay dawladda Nigeria joojinta waxa uu ku tilmaamay cadaadiska lagu hayo Masiixiyiinta.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in howlgalkan loo adeegsanayo diyaaraddo ay leedahay shirkad milatari oo gaar ah oo la shaqeysa milatariga Mareykanka ,waxayna diyaaradahan ka soo kacayaan dalka Ghana, balse lama bixin sababta howlgalkan uu Mareykanka uga wado Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here