Sabti 17 June 2026 {HMC} Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa caawa u sheegay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 in uu Mareykanka isku diyaariyay weerar ka dhan ah Dalka Iiraan
Waxa uu sheegay inuu dhici doono oo kaliya la sugayo waqtiga, iyadoo hadalkan uu soo baxay maalmo kadib markii la sheegay inuu Netanyahu ka codsaday Trump in dib loo dhigo weerar lagu qaado Iiraan, sabab la xiriirta inaysan xilligan Israa’iil u diyaarsanayn weerar kasta oo jawaab celin ah oo ka imaan kara Iiraan.






