Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka, Marco Rubio ayaa horraantii toddobaadkan la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed , isagoo si gaar ah uga codsaday inay Itoobiya ku biirto howlgalka ciidanka caalamiga ee marinka Qasa , lana geeyo dhulka Falastiiniyiinta ciidan ka socda Itoobiya, sida uu weriyey wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Times of Israel oo xiganaya labo diblomaasi oo reer galbeed ah.
Ku biiritaanka Itoobiya ee ciidanka la geynayo Qasa, taasi waxay awood diblomaasiyadeed siinaysa Abiy Axmed , iyadoo horey Addis Ababa xarun ugu ahayd Afrika , hadda waxay helaysa inay door ku yeelato goob istaraatiji ah oo ka tirsan bariga dhexe.
Laakin waxa halkan ku jira ayaa ah Marco Rubio, wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Netanyahu , ka biirista ciidan ka socda Itoobiya , xilli mar horaba ay Itoobiyaanka ka mid yihiin ciidanka Israa’iil, waxaa halkaa ka muuqanaya inay tahay arrin ay Israa’iil dabada ka riixeyso oo awood u siinaysa inay ku hesho isbahaysiga ciidanka la geynayo Qasa ,
kuwa ka tirsan xulafadeeda. Inta badana waxaa la aaminsanyahay sirdoonka iyo milatariga Itoobiya inay tababbarto oo qalabayso Israa’iil.






