Talaado13 jun 2026 {HMC} Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu Qatar ka hirgeliyay xarun cusub oo isku-duwid difaaca cirka iyo gantaallada Bariga Dhexe, taas oo ay si wadajir ah uga howlgeli doonaan dalalka gobolka ee xulafada la ah.
Xaruntan ayaa loogu talagalay xoojinta wada-shaqeynta iyo ka hortagga weerarro kasta oo ka dhaca gobolka.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee Bariga Dhexe, gaar ahaan iyadoo laga cabsi qabo isku dhac milatari oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, xilli Iiraan ay ku hanjabtay in weerar kasta oo lagu qaado ay kaga jawaabi doonto beegsiga Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka ee gobolka.






