Jimco 01 Agoosto 2025 {HMC} Madaxweyne Trump oo amar ku bixiyay in la geeyo meel ku dhow Ruushka labo gujis oo ah kuwa xambaara hubka nukliyeerka si ay ugu beegsadaan hadii uu dagaal dhaco Ruushka.
Go’aankan ayaa lagu sheegay in looga jawaabayo hadalladii hanjabaada ahaa ee ka soo baxay madaxweynihii hore ee Ruushka , Dmitry Medvedev oo hadda ah ku-xigeenka guddiga amniga ee Dalka Ruushka, dhawaan ayuu Mareykanka ugu hanjabay dagaal. sida ay warisay Reuters.



