Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Milatariga Dowladda Maraykanka ayaa sheegay inuu weeraray saddex doon oo lagu tuhunsanaa ka ganacsiga daroogada kuwaas oo ku sugnaa Badweynta Baasifigga, taas oo keentay dhimashada siddeed qof.
Taliska Koonfureed ee ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaal muujinaya weerarrada, isagoo sheegay in doomahaasi ay ku socdeen marinno si fiican loogu yaqaan ka ganacsiga daroogada isla markaana ay ku lug lahaayeen hawlgallo daroogo tahriibin ah.
Sida uu sheegay milatarigu, in ka badan 20 doon oo ku sugnaa Badweynta Baasifigga iyo Kariibiyaanka ayaa la weeraray bilihii la soo dhaafay, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 90 qof.
Arrintani waa qayb ka mid ah olole uu madaxweyne Donald Trump ku qaadayo kooxaha uu ku eedeeyo inay daroogo ku tahriibiyaan gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, khubaro qaar ayaa sheegaya in weerarradan ay suurtagal tahay inay jebiyaan sharciga caalamiga ah.
Weerarkii ugu horreeyay ee dhacay 2-dii Sebtembar ayaa muran gaar ah dhaliyay, maadaama la sheegay inuu ahaa weerar laba jeer ah, halkaas oo dadkii ka badbaaday weerarkii koowaad lagu dilay weerarkii labaad.
Khubaro dhanka sharciga ah ayaa u sheegay BBC Verify in weerarka labaad ee ay ciidamada Maraykanku ku qaadeen doon lagu tuhunsanaa tahriibinta daroogada oo laga lahaa Venezuela uu noqon karo mid sharci-darro ah, isla markaana loo tixgelin karo dil sharciga ka baxsan marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabooyinka la qaaday ay waafaqsan yihiin shuruucda dagaalka, isla markaana loogu talagalay in lagu ilaaliyo.
Maraykanka kooxaha ka ganacsada daroogada wuxuu ku eedeynayaa inay “sun dalka soo gelinayaan oo burburinayaan nolosha muwaadiniinta.”



