Tuesday 3 Feb 2026 {HMC} Mareykanka ayaa markii u horreysay si cad looga maqlayaa inuu u socda gaaska dareeraha ah ee laga helo xeebaha Soomaaliya , kaddib markii telefishinka ku dhow maamulka Trump ee Fox News , uu ka soo xigtay Jen.
John Brennan, oo ah sarkaalka labaad ee ugu sarreeya Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) in hawlgallada militari ee Mareykanka ee Soomaaliya ay horseedi karaan fursado ganacsi oo waaweyn.
Wuxuu yiri ;“Soomaaliya waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo sababo la xiriira xaaladda amni, aanay Soomaalidu ka faa’iideysan,hadda Soomaalidu waxay ogaanayaan inay haystaan macdan muhiim ah…Xeebaha Muqdisho waxaa ku jira gaas dabiici oo dareere ah (LNG).
Marka si fudud loo hadlo, hubka ugu xooggan ee aan leenahay marka laga eego aragtida Afrika waa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay. Haddii aan ku guuleysanno inaan soo jiidanno maalgelin ganacsi oo gaar loo leeyahay, sida ka jirta dalal kale oo Afrika ah, taasi waxay noqon doontaa damaanad amni.”






