Isniin 23 March 2026 {HMC} Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa si rasmi ah u soo saartay digniin cusub oo loo dirayo muwaadiniinteeda caalamka oo dhan, kadib xiisadaha sii socda ee Bariga Dhexe.
Farriin waaxdu ku baahisay barteeda X, ayay ku boorisay muwaadiniinta Maraykanka inay “ka feejignaadaan si gaar ah caalamka oo dhan, gaar ahaan Bariga Dhexe.”
Farriinta ayaa u qornayd: “Xiritaanka hawada mararka qaarkood ayaa sababi kara carqalad safar. Xarumaha diblomaasiyadeed ee Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa ka baxsan Bariga Dhexe, ayaa la beegsaday.”
Sidoo kale waxay sheegtay: “Kooxaha taageersan Iiraan ayaa beegsan kara danaha kale ee Maraykanka dibadda ama goobaha la xiriira Maraykanka iyo/ama muwaadiniinta Maraykanka ee caalamka oo dhan.”



