Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Ciidan gaar ah oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ayaa qabtay markab ka soo baxay Shiinaha oo ku socday Iiraan , xilli uu marayay badweynta Hindiya meel aan ka fogeyn xeebaha Sri Lanka ,
kaasoo la sheegay inuu siday agab laga sameeyo hubka , waxay burburiyeen ciidankii Mareykanka dhammaan agabkii markabka uu siday, kadibna markabka waxay u oggolaadeen inuu safarkiisa sii wato, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo tilmaamay howlgalkan inuu dhacay bishii hore.






