Axad 22 Feb 2026 {HMC} Sarkaal horey uga tirsanaa CIA-da , John Kiriakou ayaa maanta u sheegay warbaahunta isagoo xiganaya ilo ku sugan Aqalka Cad in Mareykanku go’aansaday inuu weerar ku qaado Iiraan. Sida uu sheegay, weerarkaasi waxaa la fulin doonaa Isniin ama Talaado.
Waxaa kaloo uu soo bandhigay xogta la xiriirta sida gudaha Aqalka Cad la isugu khilaafsanyahay weerar lagu qaado Iiraan, isagoo markaa tilmaamay in madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance iyo agaasimaha sirdoonka Mareykanka,
Tulsi Gabbard ay ka soo horjeedaan weerarka, halka xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, xoghayaha dagaalka Pete Hegseth, iyo taliska sare ee ciidanka Mareykanka ay taageersanyihiin in weerar lagu qaado Iiraan.






