Mareykanka oo Ukraine u fidiyay dammaanad amni oo 15 sano ah Ukraine.

0
32

Isniin 29, Dec 2025 {HMC} Maraykanka ayaa u soo bandhigay Ukraine dammaanad amni oo muddo 15 sano ah, Volodymyr Zelensky ayaa sidaas sheegay intii lagu guda jiray wadahadal ku saabsan qorshe nabadeed oo uu Donald Trump kula yeeshay Florida Axadii.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in heshiis ku saabsan qodobkan uu ku dhow yahay 95% in la sameeyay, laakiin hogaamiyaha Ukraine ayaa tan iyo markaas sheegay inuu jeclaan lahaa dammaanad ilaa 50 sano ah.

Madaxweyne Zelensky wuxuu qeexay arrimaha xuduudaha iyo warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ruushku qabsaday inay yihiin arrintii ugu dambaysay ee aan la xallin, iyada oo wax yar laga sheegay mustaqbalka gobolka Donbas ee Ukraine ee lagu muransan yahay.

Ruushka ayaa horey u diiday qaybo muhiim ah oo qorshahan ka mid ah, laakiin af hayeenka Kremlin-ka ayaa Isniintii ku raacay qiimaynta Trump ee ah in nabaddu ay dhowdahay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Tass.

Isaga oo saxafiyiinta kula hadlayay goobta loo dalxiis tago ee Mar-a-Lago kadib kulankii Trump Axadii, Zelensky waxa uu ku celiyay aaminsanaantiisa in guud ahaan heshiiska nabadda uu 90% ka yahay habka loo marayo, tiradaas oo uu ku hor kacayay booqashadiisa.

Labada hoggaamiye ee Maraykanka iyo Ukraine ayaa sidoo kale tilmaamay in horumar laga gaaray hal qodob oo muhiim ah – dammaanad qaadka amniga ee Ukraine. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in uu rajaynayo in wax kasta oo dammaanad qaad ah oo ammaan ahi ay bilaabmi doonto marka Kyiv saxeexdo heshiis nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here