Arbaco 17, Sep 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa markii u horreysay ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo khasaare kala duwan dhalisay, taasi oo sabtidii ka dhacday deegaan hoos yimaada magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen deegaan u dhow Badhan, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya
“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya duqeynta waxaan la bartilmaameydsanay ganacsade hub oo ka tirsan Al-Shabaab” ayaa lagu yiri Bayaanka AFRICOM.
Taliska AFRICOM ma sheegin magaca shaqsiga ay dileen, balse waxaa hore loo hayay xogta in duqeynta uu ku geeriyooday Nabadoon Cumar Cabdullaahi oo caan ka ahaa gobolka Sanaag.
AFRICOM ayaa sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya ujeedkiisa yahay in la wiiqo awoodda AS.
Mareykanka oo taageeraya Dowladda Federaalka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya deegaannada iyo xarruumaha ay ku sugan yihiin AS iyo Daacish ee ku yaalla dalka.






