Talaado 06 Jan 2026 {HMC} Stephen Miller oo ah la-taliyaha sare ee Trump , ayaa u sheegay CNN inaysan jirin cid ka tirsan NATO oo Mareykanka dagaal la gali karta, wuxuuna dib u xaqiijiyay Mareykanka inay ka go’antahay la wareegista jasiiradda Greenland.
Markii uu arrimahaa ka hadlayay wuxuu yiri ; “Xaggee sharci ahaan Denmark ku sheeganaysaa inay xaq u leedahay Jasiiradda Greenland?
Asal ahaan, awoodda Isbahaysiga NATO waxay ku jirtaa gacanta Mareykanka.Qofna ma qaadi doono halis uu dagaal militari kula galo Mareykanka, kaliya sabab la xiriirta mustaqbalka Jasiiradda Greenland.”



