Marin biyoodka Hormuz oo noqday hubka ugu xoogga badan oo ay ku dagaalameyso Iiraan.

0
9

Isniin 13 April 2026 {HMC} Ka dib dagaal socday 40 maalmood oo dhex maray Iran, Maraykanka, iyo Israa’iil, natiijo lama filaan ah ayaa soo baxday oo muujinaysa in kaarka ugu xooggan ee Tehran aysan ahayn awooddeeda nukliyeerka, balse uu yahay awooddeeda ay ku carqaladeyn karto marin- biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Bilowgiiba dagaalka, waxaa si ballaaran loogu arkayey inuu ahaa isku day lagu doonayay in lagu beddelo nidaamka xukunka Iran, iyadoo lagu fulinayo olole duqeyn culus oo lagu beegsanayo goobaha muhiimka ah iyo hoggaamiyeyaasha dalka.

Iran waxay kaga jawaabtay inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacdo xulafada Maraykanka ee Khaliijka, balse markii uu dagaalku sii xoogaystay, waxay u weecisay dareenkeeda inay carqaladayso isu-socodka maraakiibta marta marin-biyoodka ciriirga ah ee isku xira Khaliijka suuqyada caalamka.

Tallaabadan ayaa si degdeg ah cadaadis weyn u saartay Maraykanka iyo xulafadiisa, kuwaas oo ku tiirsan socodka aan kala go’a lahayn ee shixnadaha saliidda iyo gaaska ee ka gudba marin-biyoodka.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa qirtay in adkaynta xakamaynta marin-biyoodkan muhiimka ah ay siin karto faa’iido istiraatiijiyadeed oo ka culus guulaha laga gaadhi karo sare u qaadista iska horimaadka milatari.

Iyadoo Iran ay ku hanjabtay inay carqaladeyn karto sahayda tamarta caalamiga ah, waxay ku qasabtay Washington inay dib u eegto habkeeda, taasoo keentay in dib-u-furidda iyo sugidda ammaanka marin-biyoodka lagu daro shuruudaha muhiimka ah ee wada-hadallada xabbad-joojinta.

In kasta oo Iran ay dhowr jeer ku hanjabtay inay xiri doonto marinka haddii la weeraro, weligeed si buuxda looma xirin qaabkan oo kale, xitaa intii lagu jiray Dagaalkii Iran iyo Ciraaq (1980–1988), inkastoo maraakiibta saliidda la beegsaday, marinku waligiis lama xirin.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha Iran ayaa hadda ka doodaya mustaqbalka saamaynta dalku ku leeyahay Marinka, halka baarlamaanka Iran, gaar ahaan Guddiga Amniga Qaranka, uu diyaariyay soo-jeedin ah lacago lagu soo rogayo maraakiibta adeegsanaysa.

Xubin ka tirsan baarlamaanka ayaa soo jeediyay in Iran ay lacag dhan hal doollar ku soo rogto saddex foosto oo kasta oo saliid ah oo marinka ka gudbaysa.

Xigasho bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here