Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Markab xamuul ah oo ku socdaalayay calanka dalka Comoros, kaasi oo ay Ciidanka Puntland ku qabteen xeebaha degmada Bareedo ee gobolka Raas Casayr.
Markabka oo magaciisu yahay Sea World ayaa ka soo baxay dalka Turkiga, iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu siday hub iyo saanad ciidan.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in markabka ay saameeyeen dabeylaha badda cas, isaga oo maciin biday xeebaa gobolka Bari, halkaasi oo lagu qabtay.
Waxaa qorshuhu ahaa inuu 21 bishaan July yimaada dekadda Muqdisho, si uu u dejiyo shixnada uu sido.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland kama hadlin xaaladda markabka xamuulka ah ee la sheegay inuu siday hubka.



