Khamiis 9 April 2026 {HMC} Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarey Markabka qodaya Shidaalka ee Çağrı Bey oo 53 maalmood ka hor ka soo baxay Koofurta dalka Turkiga.
Markabka ayaa la filayaa in Dekadda Muqdisho loogu sameeyo munaasabad soo dhoweyn ah oo ay ka qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka kala socda dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
Waxaa la filayaa inuu billaabo qodista Ceelka Curad 1 oo la sheegay in guntiisa hoose gaareyso 7,500 mitir oo isugu jirta biyaha iyo dhulka badda hoosteeda.
Howlgalka Qodista Shidaalka ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona maraakiibta dagaalka ee Ciidanka Badda Turkiga oo ay saaran yihiin ilaa 500 oo shaqaale ah oo isugu jira khubaro iyo farsamo-yaqaanno.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tillaabada qodista Shidaalka ku tilmaamtay mid lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo abuurida fursado horumarineed.



