Masaajidka Labaad ee Ugu weyn Baledweyne oo La xiray Maanta.

0
6

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Waxaa maanta Salaaadii Jimcaha iyo tii Casir aanan lagu Tukan oo albaabada uu u xiran yahay Masaajidka Al-Nuur ee ku yaala baratama magaalada Baledwayne ee gobolka Hiiraan.

Xirnaashaha Masaajidka ayaa timid, kadib murum ka dhashay nidaamka maamul ee madaajidka oo ay isku qabsadeen shaqsiyaad wada maamuli jiray nidaamka Masjidka.

Dadka ku nool magaalada Baledweyne ayaa maanta si weyn u hadal haaya dhacdadan oo noqotay kii ugu yaabka badneyd, maadama imaamkii ama khadiibkii loogu dhex gacan qaaday gudaha masaajidka.

“Waxaan la yaabno ayay noqotay Qadhiibkii markuu Fuulay Mim barka Masaajidka ayaa waxaa feer ku bilaabay nin kale oo ka mid ahaa guddiga Masaajidka Al nuur” ayuu raaciyay hadalkiisa qofka goob joogaha ahaa.

Masjidkan ayaa waxaa ku xiran Jameeco farabadan marka laga reebo salaadaha Cishaha iyo Salaada Subax, maadama uu yahay masjid ku yaala bartamaha magaalada Baledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here