spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Masar oo noqotay dalka ugu sarreeya dhinaca difaaca cirka ...

Masar oo noqotay dalka ugu sarreeya dhinaca difaaca cirka ee Qaaradda Afrika

0
25

Isniin 2 Feb 2026 {HMC}  Warbixin lagu daabacay Wargeyska Business Insider ayaa lagu soo bandhigay dalalka qaaradda Afrika ugu sarreeya dhinaca difaaca cirka gaar ahaan nuucyada kala duwan ee Diyaaradaha dagaalka.

Dowladda Masar ayaa mar kale xaqiijisay inay tahay quwadda ugu weyn ee dhanka cirka ee qaaradda Afrika, iyadoo haysata raxan diyaarado ah oo gaaraya 1,088 diyaaradood.

Masar waa dalka 9-aad ee caalamka oo dhan ugu badan awoodda hubka dhinaca cirka ah, taasi oo muujineysa in ay hoggaaminayaan Afrika iyo dalalka Bariga Dhexe.

Dalka Aljeeriya ayaa ku soo xiga kaalinta labaad ee qaaradda, isagoo haysta 620 diyaaradood, wadankaan ayaana ah mid muhiim u ah ilaalinta xasiloonida gobolka Waqooyiga Afrika iyo sugidda amniga saaxilka.

Dhanka kale, dalka Marooko ayaa soo galay kaalinta 4-aad, isagoo haysta 271 cutub, inkasta oo tirada Marooko ay ka yartahay dalalka qaarkood, haddana waxaa lagu ammaanay inay haysato tignoolajiyada ugu casrisan ee laga soo saaro Mareykanka iyo Yurub, taas oo siinaysa tayo milatari oo aad u sarraysa.

Liiska 10-ka dal ee ugu sarreeya, waxaa sidoo kale ka soo muuqday wadamada Suudaan, Tuuniisiya, Kiiniya, iyo Itoobiya, kuwaasi oo sameeyay isbadal dhinaca difaaca cirka ah.

Dunida waxaa ka socda tartan dhinaca horumarinta awoodda cirka ah, iyadoo dal walba uu isku dayayo inuu casriyeeyo qalabkiisa si uu ula tacaalo caqabadaha ammaan ee qarnigan 21-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here